Allbanaadir.com
NEWS

Weerar culus oo lagu qaaday Safaarad ay leedahay Itoobiya iyo Bililiqo loo geestay

Warar soo baxaya oo ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa sheegaya in weeraro culus lagu qaaday xarunta safaarada dowladda Itoobiya ku laheyd magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Itoobiya.

Xarunta safaarada ayaa la sheegay in lagu qaaday weerar culus oo loo adeegsaday hub, waxaana la sheegay in bur bur xooggan la gaarsiiyay dhismaha safaarada ,sidoo kale bililiqo baahsan loo geestay agabkii safaarada yaalay.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Suudaan, Yibeltal Inda, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerar culus lagu qaaday safaaradooda Khartuum, waxa uuna xusay in ay jiraan bur bur soo gaaray xarunta iyo boob loo geestay hantidii iyo agabkii yaalay safaarada.

Ciidamada ku dagaallamaya magaalada Khartuum ee iska soo horjeeda ayaa la sheegay in qaarkood weerareen xarunta safaarada, waxaana la sheegay ciidankaasi in ay ka dambeeyeen bur burinta safaarada iyo boobka loo geestay.

Magaalada Khartuum waxaa ka socda dagaallo bilooyin socda oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa RSF, waxaana caasimadda lagu boobay xarumo badan oo dowladeed iyo xarumo ganacsi oo kuyaallay magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jawaari oo maanta oo kale loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka & Fashilka ku yimid Jadwalka

Cabdi Cade

Nin maanta si arxandarro ah xaaskiisa ugu dilay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Jen. Odawaa Yuusuf Raage oo faahfaahin ka bixiyey howlgalada ka socda Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---