Garsoore Xabad isku dhuftay kadib markii uu amray in xabsiga laga daayo rag Muslimiin ah

Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysa Garsoore u dhashay dalka Thailand oo maxkamad gudaheed xabad iskula dhuftay, kadib markii uu riday xukun xabsiga looga sii deynayo dad Muslimiin ah oo dambiyo kala duwan lagu soo eedeeyay.

Kanakorn Pianchana oo garsoore ka ahaa Maxkamada Yala ee dalka Thailand ayaa gudaha Maxkamada isaga oo jooga xabad isku dhuftay, waxa uuna kahor inta uusan ficilkan ku dhaqaaqin jeediyay khudbad xasaasi ah.

Garsooraha ayaa inta uusan xabada isku dhufanin riday xukun uu ku amrayo in xabsiga looga sii daayo shan nin oo Muslimiin ah oo loo heestay in ay dil geesteen sidoo kale hubeesnaayeen, waxa uuna ku baaqay garsooraha in dadka cadaalad lagu dhaqo.

Kanakorn ayaa Maxkamada horteeda ka akhriyay dhaar sharciga Thailand waafaqsan waxa uuna kadib la soo baxay biskoolad uu heestay isagoona xabad isaga dhuftay feeraha, garsooraha ayaana u dhiman xabada uu isku dhuftay waxaana lagu daweenayaa isbitaal.

Qoraal uu ka tagay Garsooraha ayaa muujineysay sababta ku kaliftay in uu is dilo in ay aheyd faraalin lagu hayay kiiska raga Muslimiinta ah ee dilka lagu eedeeyay, waxa uu sidoo kale ka digay in dadka aan la ciqaabin iyada oon cadeyn loo heyn dambigooda.

”Marka aad qof ciqaabeyso waxaa loo baahan-yahay in aad hayso cadayn lagu kalsoonaan karo. Sidaa darteed haddii aadan xaqiiq haynin ha ciqaabin,aniga ma oranayo shantaasi qof wax dambi ah malahan, oo waa suuragal inay dambi geysteen,balse habka garsoorka wuxuu u baahan yahay hufnaan iyo macluumaad lagu kalsoonaan karo…in la ciqaabo dad aan dambi geeysanin waxay wiiqeysaa hanaanka garsoorka.”ayuu yiri Kanakorn.

Falkan uu ku kacay garsooraha ayaa hadal heyn badan ka dhax abuurtay dalka Thailand, waxaana Warbaahinta dalkaasi warar kala duwan ka qoreen waxa ku kalifay in garsoorahan go’aansado in noloshiisa is dhaafiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -