Jubbaland oo ka Jawaabtay Warkii kasoo baxay dowlada federaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo saartay Habraaca cusub ee doorashada Jubbaland , kadib markii dowlada kasoo horjeesatay doorashadii uu kasoo baxay Axmed Madoobe.

Maamulka Jubbaland ayaana si adag uga soo horjeestay habraaca cusub ee doorashada ee dowlada federaalka soo saartay xili maamulkaasi isku diyaarinayo caleemo saarka Sheekh Axmed Madoobe.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Jubbaland, Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed, ayaa sheegay Warqada kasoo baxday dowlada federaalka ay tahay mid hareer marsan sharciga oo lagu waxyeeleenayo maamul jira.

””Waxaan u aragnaa inay tahay mid sharciga iyo dastuurka dalka u yaala hareer marsan warqadan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka”, ayuu yiri Wasiir Cabdi Xusseen.

Waxa uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Jubbaland in dhawaan qabanayaan caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland, waxa uuna ku eedeeyay dowlada in ay ka lalmato maamul goboleedyada kana shaqeeneyso .

Dowlada federaalka ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaantay natiijada doorashadii uu kusoo baxay Sheekh Axmed Madoobe, waxa ayna dowlada ku baaqday in la qabto doorasho cusub ay soo saartay habraaca loo marayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -