Qorshe Ciidamo laga qaado Baladweyne lagu geyn lahaa Dhuusomareeb oo laga hor yimid

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka magaaladaasi ay ka hor yimaadeen qorshe ciidamo magaaladaasi ku sugan looga wareejin lahaa.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay amartay in ciidamo dowlada ka amar qaata oo ku sugan magaalada Baladweyne laga soo qaado lana geeyo magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Odayaasha magaalada Baladweyne oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Baladweyne ayey uga hor yimaadeen in ciidamada dowlada  laga qaado magaalada Baladweyne lana geeyo Dhuusomareeb.

Waxa ay Odayaasha sidoo kale ugu baaqeen saraakiisha ciidamada Milatariga gaar ahaan qeybta 21-aad ee xalay gaaray magaalada Baladweyne in si deg deg ah uga baxaan magaaladaasi kuna laabtaan halkii ay ka yimaadeen.

Saraakiil ciidan iyo gaadiid dagaal oo xalay gaaray magaalada Baladweyne ayaa la sheegay in ay halkaasi u tageen si ay usoo galbiyaan ciidamo dowlada dooneyso in ay ka qaado Baladweyne lana geeyo magaalada Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -