Dhagxaan ku go’neyd Mid ka mid ah jidadka ugu muhiimsan Muqdisho oo la bilaabay in la qaado

Ciidamada Xasilinta amniga caasimada ayaa bilaabay iney qaadaan dhagxaan shub ah oo ay horey ugu gooyeen jid-cadeyaasha soo gala wadada dheer ee Wadnaha Magaalada Muqdisho.

Dhagxaantan shubka ayaa lagu gooyey jidcadeyaasha gala xaafadaha ku teedsan wadada wadnaha iyo wadooyin kale oo ku yaalla Muqdisho, wixii ka dambeeyey markii uu dhacay qaraxii Zoope 14kii Oktoobar ee sanadkii hore, waxaana loogu talo galay in gaadiidka aysan meel kale u leexan oo lagu qasbo iney soo maraan kontrolada ciidanka, si loo baaro.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhagxaantan laga qaaday jidcadeyaasha ka leexda xaafadaha jidka Wadnaha loo wareejinayo dhinaca wadada Warshadaha halkaasoo ciidamadu ay ka bilaabi doonaan howlgalo lagu xoojinayo amniga.

Shacabka ku nool xaafadaha ku teedsan wadada wadnaha ayaa soo dhoweeyey talaabada looga qaadayo dhagxaantan oo ay sheegeen iney ka xanibeen gaadiidka ay u adeegsadaan xaafadahooda oo wareeg dheer soo geli jiray.

Wasaarada amniga ayaa wada qorsheyaal dib u habeyn loogu sameynayo howlgalada ciidamada xasilintu ka wadaan magaalada Muqdisho sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Wasaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -