Al-Shabaab oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray NISA ee la xiriiray dilka Madaxda DF

Al-Shabaab ayaa ka jawaabtay hadal kasoo baxay hay’ada sirdoonka DF ee NISA  kaasoo ay ku sheegtay inay Al-Shabaab qorshaynayso khaarajinta Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble.

Qoraal lasoo dhigay barta ay NISA ku leedahay Twitterka ayaa lagu sheegay in hay’addu ay madaxda DF u gudbisay warbixin ku saabsan khatar ay maleegayaan Al-Shabaab taasoo ay ay ku beegsanaan Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo la hadlay warbaahinta ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray NISA isagoo iswaydiiyay xilliga ay NISA awoodda u yeelatay inay sii ogaato hawlgal heer sare ah oo ay Al-shabaab ku beegsanayaan mas’uuliyiinta DF.

“Waa wax aad loogu qoslo runtii. NISA waxay ogaan waysay markii aan mas’uuliyiinta DF iyo saraakiishooda xafiisyada iyo xarumahooda ugu dhacaynay. Waxay ogaan waayeen markii aan Yariisow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsanay, waxay ogaan waayeen markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay. Ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno labada nin ee ugu tunka weyn DF Waxaan kuu xaqiijinayaa inaysan nimankaasi laheyn awooddii iyo kartidii ay qorshayaasheena ku ogaan lahaayeen” ayuu yiri sarkaalka ka tisan Amniga Al-Shabaab.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray inuusan haba yaraatee jirin nin lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan Al-shabaab oo u xilsaaran khaarijinta Rooble iyo Farmaajo.

“Hadalka kasoo yeeray NISA wuxuu noola muuqdaa mid salka ku haya mushkilad dhexdooda ah oo ay NISA diyaarisay qorshe ka dhan ah qaar ka tirsan madaxda ugu sareysa DF” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalka ka tirsan Amniga Al-Shabaab kaasoo intaas ku daray in waqtiga lagu soo aadiyay hadalkaas iyo qaabka uu u qoran yahayba ay tilmaan cad ka bixineyso in NISA ay qorsheyneyso dilka madaxdda DF qaarkood, ayna dooneyso iney ku Eedeyso Al-Shabaab.

“Inkasta oo ay madaxda iyo saraakiisha DF mar walba bartilmaameed innoo yihiin hadana ma aqbalayno in ay dhibaatooyin dhexdooda ah ay annaga nala soo doontaan” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab.

 

 

 

- Advertisement -