Raisul Wasaare Justin Trudeau oo ganaax lacageed la saaray & sababta ka dambeysa

Heyadda dabagalka Canshuuraha dabagasha ee dalka Canada, ayaa ganaax lacageed ku soo rogtay Raisul Wasaaraha dalkaas, Justin Trudeau.

Waxaa loo heystaa in uusan ku soo wargalin Waaxda Canshuuraha, ookiyaalaha cadceedda laga gashado oo qaab hadiyad ku soo galay, isaga iyo afadiisa.

Ookiyaalaha waxa uu joogaa qiima ahaan, saddax ilaa shan boqol oo Dollar, waxaana Raisul Wasaaraha iyo afadiisa lagu ganaaxay min boqol dollar, iyadoo sababtuna tahay in aysan ku soo wargalin hadiyada la siiyey sida ay warka u dhigeen Shaqaalaha Xafiiska Reisul Wasaaraha Canada.

Dalka Canada waxaa ka jira sharci madaxda qaranka ku qasbaya inay soo sheegaan wixii hadiyada oo inta ay xilalka dalka hayaan soo gala, muddo gaareysa soddon maalin oo gudahood, waxaana hadii ay mudadaas dhaafto muteysanayaan ganax lacageed.

Maxaad u malayneysaa arintan marka la barbardhigo dalalka Afrika gaar ahaan dalkeena? Weli ma gaarnay ineynu madaxdeena sidaas ula xisaabtano si aysan hantida ummada u xadin? Maxaase ku dhici kara keligii taliyeyaasha iyo madaxda kale ee afrika haddii la weydiiyo su’aashan oo kale?

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -