(Sawirro) Ciidamo ka tirsan Booliska Somalia oo tababar casri ah ku qaadanaya Turkiga

Magaaladan İzmir ee dalka Turkiga waxaa Tababar ku saabsan la-dagaallanka argagixisada uga socdaa qaar ka mid ah ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Tababarkan ayaa ku saabsan burburinta aasaasiga ah, sida miinooyinka dhulka lagu aaso, aaladaha waxyaabaha qarxa iyo qaababka wax ka qabashada, macluumaadka rasaasta, baarista goobta dambiyada qaraxa kadib, albaabada iyo darbiyada xaafadaha la degan yahay, aalado farsamo oo loo adeegsado la dagaalanka miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa.

Saraakiil ka tirsan Booliska Turkiga ayaa bixinaya tababarkan casriga ah, iyadoo horey Turkigu uu gudaha dalka iyo dibedaba ugu tababaray kumanaan askari oo qalabkoodu u dhan yahay, kuwaasoo haatan qeyb libaax ka qaadanaya howlgalada ka socda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -