Allbanaadir.com
NEWS

Dalkii afaraad oo Qaarada Yurub kuyaalla oo dowlad rasmi ah u aqoonsaday Falastiin

Waxaa sii kordhaya dalalka kuyaalla Qaarada Yurub ee dowlad u aqoonsanaya dalka Falastiin, waxa ayna tallaabooyinka Falastiin dowlad loogu aqoonsanayo dhiigga kusii karinaya maamulka Yahuuda ee Israel.

Xukuumadda Slovenia ayaa dowlad u aqoonsatay dalka Falastiin, waxaana shir ay yeesheen golaha wasiiradda xukuumadda Slovenia si aqlabiyad leh ku ansixiyeen in dowlad loo aqoonsado Falastiin.

Ra’iisul wasaaraha dalka Slovenia Robert Golob, ayaa sheegay in xukuumadiisa aqoonsatay Falastiin, waxa uuna xusay in ay raaceen tillaabooyinkii sidan oo kale horey u qaadeen dowladdaha Spain, Ireland iyo Norway.

Baarlamaanka dalka Slovenia oo Talaadada kulan yeelanaya ayaa la filayaa in la horgeeyo go’aanka xukuumadda , waxaana la filayaa in Baarlamaanka dalkaasi sidoo kale ansixiyaan aqoonsiga dowladda Falastiin.

Dalalka caalamka gaar ahaan kuwa Yurub ku yaalla ee aqoonsanaya dowladda Falastiin ayaa sii kordhaya, waxaana tallaabooyinka aad uga xun maamulka Yahuuda oo tacadiyo fool xun ka geesanaya magaalada Gaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal mar kale ka qarxay degaanka Kaxandhaale & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Lugta ku salaamay Siyaasi Mucaarad ku ah oo oo booqday iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Mahdi Guuleed oo Xariga ka jaray qeyb cusub oo Hormuud ka dhistay Isbitaalka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---