Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Madaxweyne oo goordhaw loo doortay Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka (Sawirro)

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka socota doorashada kuraas kamid noqonaya xildhibaanada gollaha shacabka , waxaana maanta la dooranayaa ilaa afar kusri.

Doorashada kursiga HOP049 oo goordhaw ka dhacday magaalada Dhuusomareeb waxaa ku guuleestay Musharax Madaxweyne Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo kursigan horey ugu fadhiyay mar kalana difaacday.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo kursigan doorashadiisa kula tartameyn ilaa saddex musharax ayaa helay 68 cod halka musharaxa kusoo xigay Cabdullaahi Cabdi Guutaale uu helay 21-cod, Jamiilo Xeyle ayaa iyana heshay 5 cod halka, musharaxa kale cod ma helin halka 3 codna ay xumaatay.

Doorashada kursiga HOP049 ayaa horey loo sii ogaa inta badan in uu kusoo bixi doono musharax Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo kursigan ku fadhiyay tan iyo 2004-tii xiligaas uu soo galay Baarlamaanka lagu soo dhisay dalka Kenya.

Doorashada labo kursi oo kale oo kamid noqonaya kuraasta gollaha shacabka ayaa iyana la filayaa in goordhaw ka dhacdo magaalada Dhuusomareeb, waxaana doorashadaasi iyana lasii ogyahya labada musharax ee kusoo bixi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaaraha Britain oo dhaleeceyn kala kulmay ficil uu sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Banaan bax cabasho ah oo maalintii sadexaad ka socda magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Qarax lagu weeraray Injineero Soomaali iyo ajaaniib ah oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---