Madaxweyne Farmaajo oo dhaleeceyn kala kulmay sawir uu la galay Col. Tuke

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqanaya dalka Maraykanka ayaa cambaareyn kala kulmay sawir uu la galay Yuusuf Cabdi Cali Tuke oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamada dowladii Kacaanka kaasoo Maxkamad ku taalla Mareykanka ay dhowaan ku heshay inuu xasuuq u geystay dad Soomaaliyeed oo ku sugnaa degaano Somaliland ka tirsan.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka ayaa baraha bulshada ku dhaliilay Madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen inuu kiciyey dareenka ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay gacanta Maamulkii Milatariga.

Col. Tuke ayaa waxaa dacwad ka gudbiyay Farxaan Taani Warfa oo sheegay inuu jirdil iyo toogasho u gaystay, waxaana Tuke lagu xukumay inuu bixiyo magdhaw gaaraya &500,000 oo doollar.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa dhaleeceeyey sawirka Madaxweyne Farmaajo la galay Col. Tuke

“Madaxweyne Farmaajo waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Sadaq John oo ah dembiile dad ku xasuuqay xarunta Wadajir, wuxuu la sawiran yahay Korneyl Tuke oo denbi dagaal loo haysto, wuxuu taliyaha ciidanka asluubta u dalacsiiyey ninkii Baydhabo dadka ku xasuuqay, illaa iyo haatana kama damqan shacabka Isbitaalada Kismaayo ku darxumaysan. Tani waxay cadeyn u tahay inuu xasuuqa raali ka yahay, xuquuq aadane wax dan ah ka lahayn, Nabigeenu wuxuu yiri “Haddii aadan xishoonaynin waxaa doonto fal” ” ayuu yiri C/raxman C/shakuur.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa isna sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu damqiyey dareenka shacabka Somaliland soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa.

“Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuq dad Soomaaliyeed” Xildhibaan Fiqi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya kana tirsan mucaaradka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -