Dowlada Somalia oo sheegtay in howlgal lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gobolka Shabeellaha hoose ku sugan ayaa sheegay iney dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ilaa 7 xubnood oo ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay in  howlgalkan lagu dilay, kaasoo ay Ciidamada Xoogga dalku ka fuliyeen  degaano ku dhow Gendershe iyo Dhanaane oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo sidoo kale laga qabsaday hub iyo rasaas 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey.

Taliye ku-xigeenka qeybta 12-ka Apriil ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Xasan Aadan Xaashi ayaa warbaahinta Dawladda u sheegay inay khasaaro badan u gaysteen Al-Shabaab hubna ay kala soo wareegeen.

“Howlgalada waxaa ay ka dheceen Dhanaane iyo Gendershe,waxaan ku dilnay 7 ka tirsan argagixisada, hubna waan ka furanay, waxay isugu jiraan Ak-47, BKM, Sabanno iyo rasaas badan oo ay dadka ku dhibaateynayeen”. ayuu yiri taliye Xasan Aadan Xaashi oo ka warbixiyay hawlgalkaasi.

Ma jiraan warar ka madax bannaan kan ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Dawladda oo sheegaya qaabka uu howlgalkan u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -