Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Buundo ku taalla magaalo ay Maamusho kooxda Al-Shabaab oo burburtay

Gabi ahaana waxaa go’day buundada Magaalada Bu’aale ee gobolka jubada dhexe ka dib markii ay qaadeen biyaha Webiga Jubba oo ku fatahay degaanadaas.

Degmada Bu’aale oo ay Maamulaan Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in gabi ahaan ay go’day Buundadda Magaalada, taasoo hakisay isku socodka dadka iyo Gaadiidka, isla markaana saameyn xooggan ku yeelatay nolosha dadka shacabka ah.

Maadaama degmadaas ay maamulaan Al-Shabaab faahfaahin lagama hayo sida ay hadda tahay xaalada degaankaas

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay inay burburtay Buundadii degmada Bu’aale, sidoo kalena fatahaada Wabiga uu saameyn xoogan ku yeeshay dadkii ku noolaa degmadaas.

Buundooyinkii degmooyinka Baardheere iyo Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo ayaa dhowaan go’ay ka dib fatahaado xoogan oo uu geystay Wabiga sidoo kalena ay ka da’een roobab daadad watay, taasoo keentay in Boqolaal Qoys ay ka barakacaan.

 

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Danjire Cali Cagabaruur (Sawirro)

Caydiid Ali

Ahlu Sunna oo Weerar Khasaaro dhimasho sababay ka geesatay gudaha Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo diiday inuu tago Xafiiska xeer ilaalinta oo looga yeeray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---