Weerar dhimasho sababay oo xalay ka dhacay Kontrol ku yaalla Magaalada Jowhar

Iska horimaad hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo dabley ka tirsan Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan iska horimaadka oo muddo kooban socday ayaa bilowday markii dabley la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa control ku yaalla xaafada hantiwadaag ee magaalada Jowhar.

Ugu yaraan saddex qof oo ka kooban labo askari oo boolis ah iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay weerarkan, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Sh/dhexe.

Qofka shacabka ah ee geeriyooday ayaa la sheegay iney rasaas habow ah ugu tagtay hoygiisa oo ku yaalla meel aan ka fogeyn goobta uu iska horimaadku ka dhacay, halkaasoo sidoo kale ay ku yaalaan guryo badan oo ay degan yihiin dad shacab ah.

Xaalada Magaalada Jowhar ayaa saaka degan, waxaana shacabka Magaalada ay si weyn u hadal hayaan weerarkan oo noociisa aan looga baran mudooyinkan inuu ka dhaco magaalada Jowhar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -