Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo iyo Donlad Trump oo isku arkay Munaasabad ka dhacday New Yourk

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee dalka ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo uu Madaxweyne Donald Trump u sameeyay madaxdii kasoo qeyb gashay Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobay.

Kulankan soo dhaweynta ah uu sameeyay Madaxweyne Donlad Trump ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax ka qeyb galeysa shirka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New Yourk.

Madaxweyne Farmaajo oo ay garab taagan tahay Marwadiisa Zaynab Cabdi Macalin ayaa munaasabada waxa ay isku arkeen sawir wadajir ahna la galeen Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump.

Farmaajo ayaa markii ugu horeesay tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay ka qeyb galaya shirka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay , waxaana Madaxweynaha beri la filayaa in khudbad dheer uu ka jeediyo shirka New Yourk ka socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo Israel ku cadaadinaya iney joojiso weerarka aargoosiga ah ee Iran

Caydiid Ali

Imaaraadka oo Shuruud ku xiray Heshiis uu la galo Dowlada Somalia

Cabdi Cade

Qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---