Mareykanka oo Israel ku cadaadinaya iney joojiso weerarka aargoosiga ah ee Iran

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa ku celiyay in Madaxweyne Joe Biden uu diiradda saarayo ka hortagga weerarka Iran ee ka dhanka ah Israa’iil inuu sababo colaad gobolka ku faafta oo ballaaran.

“Sababtoo ah Iran ayaa fulisay weerarkan aan horay loo arag, kaasoo anaga iyo saaxiibadayada Israel iyo la-hawlgalayaasha kale aan fashilinnay, macnaheedu maaha in aan aqbalno kicinta joogtada ah ee gobolka. Madaxwaynuhu ma aqbali doono inuu doonayo inuu arko in arrimuhu sii xumaadaan, “ayuu yiri Kirby

Waxaa uu sheegay in mowqifka aqalka cad uu yahay in Israa’iil aysan ka aargoosanin Iran, hase ahaatee ugu dambeyntii sheegay in arrintaas ay u taallo xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, laakiin Mareykanku uu doonayo inuu arko xiisadda oo aan ka sii darin.

“Waan ixtiraamaynaa hab-raacooda go’aan qaadashada. Waxa aan rabno inaan aragno waa dejinta xiisadda. Ma doonayno inaan aragno dagaal ka ballaaran,” Kirby ayaa yiri.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ee dagaalka Israel ayaa dib u eegis ku sameeyay qorshayaasha militari ee jawaabta suurtagalka ah ee ka dhanka ah Iran.

Golaha Wasiirada ee dagaalka ayaa weli ka go’an inay wax qabtaan, balse ma cadda ilaa hadda in go’aan laga gaaray.

Waxaa jira dareen ah in Israa’iil ay tahay in ay si degdeg ah wax uga qabato, ayuu yiri sarkaalku.

Golaha wasiirada dagaalka ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyay fursadaha diblumaasiyadeed si loo sii go’doomiyo Iran, taasoo la fulin karo marka laga soo tago jawaabta milatari.

 

- Advertisement -