Heshiis 10-qodob ka kooban oo maanta lagu kala saxiixday Xeraale (Daawo Sawirada)

Howl-wadeenno ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug, ayaa magaalada Xeraale ee gobalka Galguduud uga qayb galay saxiixa heshiis lagu adkeynayo amniga oo qayb ka ah qorshaha dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee magaalada Dhuusamareeb ay ku kala saxiixdeen bulshada ku nool Xeraale iyo Huurshe.

La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, ahna xariiriyaha tubta siyaasadda loo dhanyahay, Prof. Yaxye Cali Hareeri, ayaa munaasabadda ka aqriyay heshiiska oo ka kooban 10 qodob, ayna saxiixeen guddigii loo xil saaaray dhammeystirka heshiiska nabadda ee reer Xeraale iyo reer Huurshe.

Dhammaan dhinacyadii munaasabadda saxiixa xeerka ka hadlay oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin heshiiska la gaaray, ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahadceliyay geeddi socodkii guulestay ee nabadda bulshada deegaannada Xeraale iyo Huurshe.

Xildhibaan Zakariye Xasan Gaashaan oo kamid mudanayaasha deegaan doorashadoodu tahay Xeraale oo munaasabadda goob joog ka ahaa ayaa dhinacyada ugu baaqay in ay wadajir uga qayb qaataan ilaalinta heshiiska maanta la saxiixay, si horumar loo gaaro, looga baaqsado dib-u-dhac soo gaara bulshada iyo deegaanka.

Dadaallo nabadeed oo Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre soo billaabay dhammaadkii bishii June ee sannadkaan ayaa bishaan horraanteedii guul ku soo dhamaaday, waxaana magaalada Dhuusamareeb lagu saxiixay heshiis nabadeed oo lagu dhammeeyay sannaddo colaad dhiig badan ku daatay uu u dhexeeyay bulshada ku nool Xeraale iyo Huurshe, arrintaas oo bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamku ay wadajir usoo dhaweeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -