Dowlada Soomaaliya oo War cusub kasoo saartay Xiyiraada la saaray Duulimaadka Kismaayo

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in xayiraad toos ah la saaray diyaaradaha aada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, xili horey loo shaaciyay in la hakiyay duulimaadyada Kismaayo xili kooban.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin oo Warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in aysan jirin go’aan kasoo baxay dowlada oo lagu hakiyay mudo sadex maalin ah duulimaadyadii aadayay magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay Maareeyaha in aysan jirin go’aan rasmi ah oo kasoo baxay dowlada oo lagu joojiyay duulimaadyadii Kismaayo, waxa uuna xusay kaliya in diyaaradaha aada Kismaayo lagu amray in 24-saac kahor Hay’ada duulista kusoo wargaliyaan.

Maareeyaha ayaana tilmaamay in duulimaadka diyaaradaha aada magaalada Kismaayo ay caadi yihiin ayna waxbo kama jiraan tahay xayiraada la sheegay, waxa uuna tilmaamay in wargalinta lagu amray diyaaradaha ay yihiin kuwa caadi ah oo aduunka ka jira.

Warkan kasoo baxay Hay’adda Duulista Hawada ayaa imaanaya xili horey loo shaaciyay in la joojiay diyaaradaha aada Kismaayo ilaa 26-ka bishan ,si looga hortago wafuud la filayay in Kismaayo u tagaan Caleemo saarka Madaxweynaha aan la aqoonsaneyn ee Jubbaland.

 

- Advertisement -