Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Abaal marin lagu gudoonsiiyay Mareykanka

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Hoggaaminta Suubban ee Concardia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa abaalmarintan la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya  Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Mudane Isaias Afwerki kaalintii ay saddexda hoggaamiye ka qaateen nabadaynta iyo is dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Abaalmarintan ayaa aheyd mid lagu dhiiro galinayay dadaaladii is dhaxgalka ahaa ee ka shaqeeyeen sadaxda Madaxweyne oo kulamo dhowr ah yeeshay sidoo kale heshiisyo kala duwan gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiin uu ka mid yahay Xasan Shiikh oo lagu soo dhoweeyey Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Xaalad walwal ah oo lasoo darsay xaaska Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo goor dhow ku geeriyooday Nairobi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---