Allbanaadir.com
NEWS

Al-Hassan Abdul Aziz oo loo gacan geliyey Maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka

Maxkamadda dembiyada dagaalka caalamiga ah ee ku taalla Hague ayaa xabsiga u dirtay nin loo haysto inuu ka qaybqaatay dagaalkii Mali, ka dib markii ay xukuumadda dalkaas u soo gacan-gelisay.

Al-Hassan Ag Abdoul Aziz Ag Mohamed Ag Mahmoud ayaa madax ka ahaa booliiska Islaamka ee Timbuktu xilligii ay haysteen maleeshiyaadka jihaad-doonka ah shan sano ka hor.

Toddobaadka soo socda ayaa loo asteeyay in Hassan uu markii ugu horreysay ka soo muuqdo maxkamadda.

Waxaa lagu eedeeyay inuu tacaddi u geystay haween iyo gabdho isagoo ansixiyay in si qasab ah loogu guuriyo dagaalyahanno.

Waxaa sidoo kale la sheegay inuu qayb ku lahaa burburinta qabuurro taariikhi ah oo ku yaalla Timbuktu.

Warqadda lagu soo xiray Al Hassan ayaa lagu xusay inuu geystay dembiyo bani`aadannimada ka dhan ah oo ay ka mid yihiin jirdil, kufsi iyo addoonsi galmo; dacwad ku qaadidda dadka degan Timbuktu arrimaha la xiriira diinta iyo jinsiga iyo falal kale oo bani`aadamnimada ka baxsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kiisaska cudurka COVID-19 oo mar kale sare u kacaya qeybo ka mid ah Somalia

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo isbedelay & Qoorqoor oo ka gaabsaday inuu la kulmo..

Caydiid Ali

War Deg Deg ah: Taliyaasha Ciidanka dowlada oo Shir Jaraa’id qabtay kana hadlay Ciidankii Jawaari uu ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---