Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada Villa Somalia oo xilka la wareegay (Daawo Sawirro)

Taliyaha iyo abaanduulaha cusub ee ururka 60aad ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya G/lle Odowaa Yuusuf Raage iyo Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta la wareegay Xilka ka dib markii dhawaan xilka laga qaaday Taliyihii ciidamada Madaxtooyadda Gen. Axmed Maxamed Cali (Afcadeey)

Saraakiisha cusub ee ciidamada Madaxtooyadda oo ah rag dhalinyaro ah, ka dib markii taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Farmaajo ay isla garteen in saraakiisha dhalinyarada loo dhiibo Hogaanka ciidankaas.

Munaasabada xil-wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha sare ee Ciidamada xoogga dalka oo uu ka mid ahaa Abaanduullaha Ciidamada Cabdullaahi Cali Caanood iyo Masuuliyiin kale.

Taliyihii hore ee ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey ayaa xilka laga qaaday ka dib markii lagu eedeeyey inuu ka dhega adeygay amarkii ahaa inuu hub ka dhigis ku sameeyo ciidamadii Ilaalada u ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arbacadii galay xarunta baarlamanka Somalia.


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Putin oo digniin culus ka bixiyey hub Mareykanku siinayo Ukraine

Caydiid Ali

Turkish Airlines oo si KMG ah u joojisay duulimaadka garoonka Aadan cadde (Sababta)

Caydiid Ali

Ukraine oo xaqiijisay Isku-daygooda lagu dili lahaa Taliyaha Guud ee Milliteriga Raashiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---