Allbanaadir.com
NEWS

Is Casilaadii Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo la bogaadiyay !!

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay iscasilaada Wasiir kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Cabdikariin Khaliif Dhalac.

Axmed Fiqi ayaa go’aan taariikhi ah ku tilmaamay is casilaada Wasiir kuxigeenkan ay isku heybta yihiin, waxa uuna xusay in uu rajeenayo in talaabadan uu qaaday Wasiir kuxigeenka ay noqoto mid bilow u ah iscasilaado kale.

”Waxaan bogaadinayaa go’aanka geesinnimada leh ee uu ku dhawaaqay Wasiir Xil. Abdikarim Khalif Dhalac ee uu isaga casilay xilkii Wasiir Kxg ee uu ka hayey xukuumadda Federaalka, waa go’aan taariikhda u galaya oo sababihiisa maangalka ah wata, madaxda Villa Somali lama shaqayn karo qof raba in karaamadiisa iyo mas’uuliyadda saaran Iin uu si wanaagsan u guto, waxaan rajaynayaa In tallaabada Mudane Abdikarim ay bilow u noqon doonto iscasilaado kale”. Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in faragalinta Galmudug ka socota iyo la kaliyoobidda geedisocodka doorashooyinka Galmudug, ay kashifi doonto damaca Villa Somalia ee dastuurka dalka iyo shuruucda Galmudugba hareer-marsan.

Hadalkan kasoo yeeray Xildhibaan Fiqi ayaa kusoo aadaya xili caawa uu is casilay Wasiir kuxigeen katirsan Xukuumada Soomaaliya, kaa oo is casilaadiisa sabab uga dhigay fara galin uu sheegay in dowlada ku heyso maamulka Galmudug.

Related posts

Maxay ka wada hadleen Khayre & Ku-xigeenka Xoghayaha difaaca Mareykanka? (Sawirro)

Caydiid Ali

Qorshayaal lagu adkeenayo ammaanka magaalada Muqdisho oo laga shiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Markab Dalxiis kii ugu weynaa dunnida oo safar Dalxiis u baxaya (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---