Sacuudiga oo looga digay in ay ku khamaarto dagaal ay la gasho dowlada Iran

Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa maanta uga digay Sacuudi Carabiya inay ku khamaarto dagaal ay la gasho Iran, sababtoo waxa uu “burburin doonaa boqortooyada”

Hoggaamiyaha Xizbullah Sayid Xasan Nasrallah ayaa sheegay in hab cusub oo difaaca gantaalaha hawada ah uusan Sacuudiga ka difaaci karin nooca diyaaradihii drone-ka ee loo adeegsaday weerarkii 14-kii September lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacuudiga.

“Ha ku khamaarina dagaal aad la gashaan Iran, sababtoo ah way idin burburin doontaa” ayuu Nasrallah ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka.

Isaga oo xusaya in weerarkii September 14 uu hakiyey ilaa bar wax soo saarkii saliidda Sacuudiga, ayaa Nasrallah waxa uu intaas ku daray “Gurigiina waxa uu ka sameysan yahay muraayad, dhaqaalihiinana wuxuu ka sameysan yahay muraayad, si la mid dabaqyadaha muraayadaha ah ee Imaaraadka Carabta.”

Nasrallah ayaa sheegay in weerarkii xarumaha shidaalka shirkadda Aramco uu muujiyey awoodda xulufada Iran ay taageerto.

Waxa uu sidoo kale ka digay in hab difaac cusub oo hawada ah uusan bad-baadin karin Sacuudiga, sababtoo ah baaxadda dalkaas oo ka dhiegysa in diyaaradaha drone-ka ay beegsan karaan goobo badan.

“Hab difaac cusub oo hawada ah wuxuu noqon doonaa mid qaali ah, waxna idin ma tari doono” ayuu yiri Nasrallah.

Waxa uu taa beddelkeeda Sacuudiga iyo Imaaraadka kula taliyey inay joojiyaan dagaalka Yemen, “si ay isku bad-baadiyaan.”

- Advertisement -