Siyaasi sheegay in Al Shabaab joojiyeen Dayactir lagu sameyn lahaa Hotel kasoo horjeeda Madaxtooyada

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu bartiisa Facebooka ku baahiyay ku sheegay in dagaalyahanada Al Shabaab joojiyeen dhismihii ka socday garoonka kubada Cagta ee Muqdisho Stadiom.

Waxa uu sidoo kale sheegay Mr Warsame in Al Shabaab ay is hortaag ku sameeyeen dayactir lagu sameyn lahaa Hotelka SYL ee kuyaala kasoo horjeedka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

”Waxaan xog ku heynaa in aysan wax shaqo ah ka socon dhismihii ay Al-Shabaab joojiyeen ee ka socday Stadium Muqdisho, waxaan kaloo xog ku haynaa in Al-shabaab ay hor istaageen dayactir lagu sameyn lahaa Hotel SYL oo ka soo horjeeda madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku wargeliyeen shirkadihii dhismaha in ay hawshaas qaban karaan; haddii ay bixiyaan magta wiilashii looga dilay goobtaas oo ay ula jeedaan kuwii sedaxda jeer hoteelka isku qarxiyey” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakiir..

Siyaasiga Mucaaradka ku ah Xukuumada Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dowlada federaalka  aysan xiligan laheyn awood ay dalka oo dhan uga taliso, waxa uuna xusay in maamul goboleedyada u sahleen dowlada in magaca Qaranka Soomaaliya ku matasho.

”Dowladda Federaalka ah ma laha awood xukun oo ay dalka oo idil uga taliso, laakiin deegaannada dowlad goboleedyada dalka oo aysan ka talin ayaa si mutadawacnimo ah ugu tanaasulay dawlada Federaalka ah si loo celiyo qarankii Soomaaliyeed una ogolaaday in ay magaca Soomaaliya ku metasho, socdaalka hawada waa awood maamul oo ay dawlad Goboleedyada iyo Somaliland oggoladeen in gacanta loo geliyo Dowladda Federaalka ah, nasiib darase tilaabi ugu horaysay ee lagu tijaabiyey in la aamino Dowladda Federaalka ah, madaxda haatan talada haya ayaa ku takrifalay awooddii lagu aaminay oo waxey u adeegsadeen dano siyaasadeed .Ayuu yiri Mr Warsame.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xili Dowlada Soomaaliya dhawaan beenisay in Al Shabaab joojiyeen dayactirkii lagu sameenayay garoonka kubada cagta ee Muqdisho Stadiom.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -