RW Yuhuuda oo waji gabax & fashil kala kulmay dalab uu u gudbiyey Midowga Yurub

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegtay in ururka u dhan yahay taageerada Qudus inay caasimad u noqoto dowlad mustaqbalka ay Falastiin yeelato iyo Israa’iil.

Federica Mogherini ayaa sheegtay in xubnaha Midowga Yurub aysan Qudus u aqoonsan doonin in ay tahay caasimadda Israa’iil illaa heshiis nabadeed oo dhameystiran laga gaarayo.

Waxay hadalkaasi jeedisay ka dib markii ay la kulantay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo doonayay in EU ay taageerto go’aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimaddooda.

Ms Mogherini, oo ka hadlaysay shir jaraa’id oo si wada jir ah Brussels ugu wada qateen ayada iyo Netanyahu, ayaa tilmaamtay in midowga Yurub uu sii wadayo in uu aqoonsado go’aanka caalamiga ah ee Qudus ku saabsan.

“Waa in aan dhahaa in Ra’iisul wasaare Netanyahu uu ka arkay wasiirada in Midowga Yurub u dhan yahay arrintan. Xalka keliya ee suuragalka ah ee dagaalka loo helo, waa midka dhexmaraya Israa’iil iyo Falastiin, kuna saleysan laba dal oo caasimad ay u tahay Qudus.”

“EU iyo dalalka xubnaha ka ah waxay xushmeynayaan go’aanka caalamiga ah ee Qudus illaa xal laga gaarayo khilaafka goobaha barakeysan, oo loo marro wadahadal toos ah oo ay yeeshaan labada dhinac”.

Tallaabadii Madaxweyne Trump waxaa ka dhashay caro iyo dhalleeceyn caalami ah. Dalalka Islaamka ayaa si adag u dhalleeceeyay tallaabadaasi uu qaaday Madaxweynaha Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -