Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Taliyaha ciidanka XDS oo lagu soo dhoweeyey Garowe & xog ku aadan ujeedada Safarkiisa

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo saraakiil sare ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe.

S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod)  iyo Wefdigiisa waxaa Garoonka dayuuradaha Garoowe ku soo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Gen. Siciid Maxammed Xirsi(Siciid Dheere), hoggaanka ciidamada Daraawiishta iyo saraakiil ka socotay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ee degaannada puntland.

Labada taliye ayaa si wadjir ah saxaafadda ula hadlay, hadalka ku hormaray Gen. Siciid Dheere oo sheegay in Puntland tahay halka ugu ballaaran Soomaaliya oo nabadda iyo xasiloonida ka jirto, isagoo tilmaamay inuu maqsuud ka yahay imaanshaha taliye Gorod,isla markaaana ay si gaar ah ugu qiimeyn doonaan taariikhda inuu markii la magacaabay durbadiiba Puntland soo booqday.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhoweynta loo sameeyey, wuxuuna sheegay in isaga iyo wefdigiisu Puntlnad u yimaadeen sidii ay ula kulmi lahaayeen ciidan gaaraya 2400 askari oo dhowaan Puntland ku wareejisay dowladda Soomaaliya,  mid noqday Ciidanka Xoogga dalka.

Taliye Gorod sidoo kale sheegay in uu la kulmi doono madaxda Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, islamarkaana uga sii gudbayo dhinaca gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada India oo burburisay Masaajid caan ah iyo caro ka dhalatay (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin kufsaday Gabdho uu adeer u ahaa

Cabdi Cade

Xogta kulan dhexmaray taliyaha Booliska Somalia iyo saraakiil ka socotay dowlada Masar

Caydiid Ali