Allbanaadir.com
NEWS

Xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir oo galabta ku tuntay Xulka Galmudug (Daawo Sawirro)

Ciyaartoyda Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir ayaa galabta kaga adkaatay 3-0 Xulka Kubadda Cagta Maamul goboleedka Galmudug ciyaar xiise badan oo ku dhexmartay garoonka Konis Stadium ee magaalada Muqdisho

Ciyaartan ayaa ka tirsaneyd tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka oo maalmo ka hor ka furmay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa ku amaanay Ciyaaryahanada Xulka Kubadda Cagta Gobolka Benaadir Ciyaar Wanaaga ay soo Bandhigeen Galabta

Xulka Gobolka Benaadir ayaa noqday xulkii ugu horeeyey ee u soo gudba afar dhammaadka Tartanka Kubadda Cagta Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Benaadir ka dib markii ay ka badiyeen labadii kooxood ee ay isku guruubka ahaayeen.

Juballand iyo Galmudug oo ciyaar ay iskugu harsan tahay ayaa tii badisa waxay u gudbi doontaa afar dhamaadka mana heystaan wax dhibno ah labadana maadaama laga soo badiyey min kulan oo ay la cayaareen xulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano uu ku jiro taliye Yaasiin Farey oo la dhaariyey iyo Xilkii taliyaha NISA oo

Caydiid Ali

Xulka Qadar oo caawa si Xarako leh ugu guuleestay Asian Cup (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Taliye Gorod oo soo saaray amar adag oo ku socda ciidamada Milateriga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---