Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Shaqo Joojin lagu sameeyay Labo Sargaal oo booliis ah iyo Sababta keentay (Akhriso)

Waxaa shaqo joojin KMG ah lagu sameeyay Ku simihii taliyaha Ciidamada qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahadalle & Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Gaashaanle Cabdi Cumar Siyaad.

Labadan Sargaal waxaa shaqo joojin ku sameesay Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27aad, kadib markii labadan sargaal lagu eedeeyay in ay is hortaag ku sameeyeen labo eedeesane oo booliis ah oo Maxkamad la saari rabay.

Qoraalka kasoo baxay Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa lagu faray taliyaha ciidanka booliiska Hirshabelle in uu fuliyo amarkan shaqada looga joojiyay labada sargaal ee katirsan booliiska maamulka Hirshabelle.

Related posts

Ogow Waxa uu sharciga ka qabo Darajo ka xayuubintii Farmaajo ku sameeyay Saadaq Joon

Cabdi Cade

Caqabad cusub oo soo wajahday Ganacsatada Jaadka ee Dalka Kenya xilli heshiis la gaaray

Cabdi Cade

Maxaa sababay qofkii mar Madaxtinimo loo doorto Somalia inuusan mar labaad soo laaban ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---