Duqa Muqdisho oo la kulmay Xubno matalayay dadka Baahiyaha gaarka ah qaba (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xafiiskiisa  Kulan Gaar ah Kula Qaatay Qaar Kamid ah Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee Ku Dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaana looga hadlayay Sidii Looxoojin Lahaa Wada Shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada Naafada ah ee ku dhaqan Muqdisho iyo sidii dadkaasi loo siin lahaa mudnaanta ay leeyihiin.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Warbixino quseeya Xaalada dadka baahiyaha gaarka qaba ka dhageestay Hogaanka Golaha Naafada Qaranka Kuwaas oo Sheegay iney Dadka Naafada ah u Baahan yihiin Daryeel Gaar ah iyo iney Helaan Fursada Lamid ah Kuwa Lasiiyo Dadka Lixaadkooda Dhameestiran yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay Garab istaaga Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba iyo iney Helaan Fursada Wax ku-ool ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -