Taliska Milatariga oo shaaciyay Magacyada Saraakiil Al Shabaab looga dilay howlgal (Akhriso Magacyada)

Taliska milatariga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ciidanka milatariga Soomaaliya ka sameeyeen qeybo kamid ah dalka gaar ahaan gobolka Jubada Hoose iyo Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka milatariga howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolka Jubada Hoose khasaaro lagu gaarsiiyay Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalkaasi lagu dilay 15-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, waxa uu sidoo kale taliyaha xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu qabtay dagaalyahan katirsan Al Shabaab.

Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka milatraiga howlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buuleburte lagu dilay labo sargaal oo katirsan Al Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka gobolka Hiiraan ka fuliyeen milatariga lagu dilay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madixii Jabhadaha Al-shabaab ee gobolka Hiiraan iyo Xasan Yare oo ahaa madixii Miinooyinka.

Al Shabaab ayaan ka hadlin warkan kasoo baxay taliska milatariga Soomaaliya oo ku aadan in dagaalyahano iyo saraakiil looga dilay howlgal ciidanka ka fuliyeen gobolada Jubada Hoose iyo Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -