Booliiska Bosaaso oo soo xiray koox tacadi fool xun kula kacay qoys danyar ah (Sawirro)

Booliiska Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar nin oo qeyb ka ahaa koox hubaysan oo habeen hore qoys danyar ah hoygooda ku weeraray.

Raggan ayaa qoyska oo ka soo jeeda beelaha la heyb sooco u geystay jirdil iyo handadaad argagax leh

Muuqaal ay duubeen kooxdan ayay soo dhigeen baraha bulshada iyagoo tacaddi gurigooda ugu geysanaya qoyskan oo ka koobn Aabbaha, hooyada iyo qaar kamid ah carruurtooda.

Raggan ayaa ka careysnaa aflagaado ay sheegeen in gabar ka dhalatay qoyskan oo ku nool Yurub ay baraha bulshada ugu geysatay Ugaaska beeshooda, waxayna ugu hanjabeen hooyada iyo aabaha qoyska iney nolosha ku gubi doonaan haddii aysan gabadhooda ka joojin aflagaadada ay ku eedeeyeen.

Videogan ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada, waxaana ka dhashay caro xoogan iyo falcelin adag.

Howlgal ay Booliiska magaalada Boosaaso sameeyeen ayey ugu suuro gashay inay gacanta ku soo dhigaan afar kamid ah kooxdan, halka mid kalena ciidamadu ay ku raad joogaan.

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Bari,  Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay falkan inuu salka ku hayo aflagaado ay dad isugu geysteen barta tiktok, taasoo sabab u noqotay in qoys aan waxba galabsan ay dhibbanayaal u noqdaan.

“Eedeysanayaasha sharciga ayaa la horkeeni doono, weyna marin doonaan ciqaabtooda cadeymahoodana waanu heynaa” ayuu yiri taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -