Boqor Salman oo ka hadlay Weerarkii saameynta badan ku yeeshay Sacuudiga

Diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn ayaa weerar xoogan sabtidii ku qaaday shirkado saliida soo saaro oo leedahay dowlada Sacuudiga, waxa ayna taasi dhalisay in uu yaraado wax soo saarka saliida Sacuudiga kala bar.

Weerarkan ayaa lagu tuhmayaa in ay ku lug leedahay dowlada Iiraan inkastoo ay beenisay, waxaana Sacuudiga iyo xulufadiisa Mareykanka kamid yahay weerarkaasi ku eedeeyeen Xukuumada Tahran.

Boqorka Sacuudiga, Salman Bin Abdulaziz ayaa sheegay in dalkiisa uu awoodo inuu iska difaaco wax uu ugu yeeray weeraradii fuleynimada ahaa ee lagu qaaday Warshada Saliida ee Sacuudiga.

- Advertisement -