Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo la wareegtay degaan u dhexeeya Balcad iyo Jowhar

Xoogaga Al Shabaab ayaa galabta dagaal la’aan la wareegay degaanka Qalimow oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe.

Goob joogayaal ayaa sheegay inay arkeen afar gaari oo Hoomey ah oo ay saarnaayeen xoogaga Al-Shabaab ee degaanka la wareegay, kuwaasoo aad u hubeysnaa.

Ciidanka Millatariga Soomaaliya  ayaa halkaas isaga baxay ka dib markii la sheegay inay ka war heleen xogta ah in Al-Shabaab ay ku soo wajahan yihiin.

Warar kale ayaa sheegaya in sidoo kale Shabaab ay la wareegeen wado ay isticmaali jireen masuuliyiinta Hirshabeelle iyo dadka shacabka ah oo isku xirta magalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in degaanka ay uga baxeen xeelad Millatari, ayna dib ugu laaban doonaan saacadaha soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqeymo culus oo saakay ka dhacay Deegaano ay joogeen Al Shabaab iyo Dowladda oo …

Cabdi Cade

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo diiwaan-geliyey xisbiyo cusub oo Siyaasadeed

Caydiid Ali

Danjire Keating: Somalia waxay qarka u saaran tahay iney cagaheeda isku taagto dhaqaale ahaan”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---