Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha Sirdoonka dalka Angola oo booqasho ku yimid Muqdisho, lana kulmay..

Taliyaha ciidanka Sirdoonka wadanka Angola Gen. José Luís Caetano ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Gen. José Luís Caetano ayaa la kulmay Agaasimaha heyadda sirdoonka iyo Nabad sugida Soomaaliyeed ee NISA Fahad Yasin.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay la dagaalanka argagaxisada sida ay baahisay warbaahinta dowlada.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyey maanta, iyadoo la xiray waddooyinka qaar, waxaana dad badan is weydiinayeen wafdiga ku soo wajahan dalka ee jidadka loo xiray.

Angola waa dal ku yaalla galbeedka Afrika oo ka mid ah dalalka qaniga ah Saliida ee dibeda u dhoofiya, sidoo kale waxaa dalkaas laga helaa dheymanka, xiriir toos ahna lama lama Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo: “Damaca guracan ee Xasan Shiikh lama aqbali karo”

Caydiid Ali

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia oo Saraakiil u Magacaabay xilal cusub (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---