Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay (Daawo Sawirro)

Qarax gaari ayaa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Ex-kontrol Afgooye kaasoo geystay khasaare nafeed.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu yimid ka dib markii gaari uu lahaa askari ka tirsan ciidamada dowlada uu ku qarxay agagaarka Ex-kontrol Afgooye.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaarigan qaraxa lagu xiray uu ku dhaawacmay askarigii watay oo loola cararay goobaha caafimaadka.

Askariga ayaa la sheegay in qaraxa uu ka soo gaaray dhaawac culus, uuna ku waayey qaraxaas mid ka mid ah lugihiisa.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobtaas kuwaasoo howlgalo kooban ka sameeyey degaanka Ex-kontrol Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxyada gaadiidka loogu xiro shaqsiyaadka la doonayo in la qaarajiyo ayaa marar badan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ka mid ah, waxaana lagu dilay dad kala duwan oo isugu jira Wasiiro hore, Xildhibaano, Saraakiil, Ciidamo, Shaqaale dowladeed iyo dad kale oo shacab ah, waxaana inta badan masuuliyadooda sheegtay Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay xiliga dib loo furayo iskuulada & Jaamacadaha dalka

Caydiid Ali

Guddiga madaxa banaan ee Xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo la magacaabay

Cabdi Cade

(Xog) Raisal Wasaare Rooble oo ku wajahan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Caydiid Ali
Taboola Ads ---