Weerarkii Shirkadaha Shidaalka Sacuudiga oo lagu eedeeyay dowlada Iiran

Diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn ayaa weerar xoogan ku qaaday shirkado shidaal oo leedahay dowlada Sacuudiga, waxaana  weerarkaasi sababay in uu hoos u dhac ku yimaado shidaalka ay soo saarto dowlada Sacuudiga.

Waxaa jira shaki laga qabo in kooxda Xuutiyiinta aysan qaadin weerarka diyaaradaha loo adeegsaday ee ka dhacay gudaha Sacuudiga, waxaana weerarkaasi la tuhmayaa in dowlada Iiran ay ku lug leedahay.

Xoghayaha Arrimha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa dowlada Iiran ku eedeeyey weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ee shalay lagu qaaday Warshadaha shidaalka ee Sucuudiga.

Mike Pompeo ayaa meesha ka saaray sheegashada kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ah in ay weerar ku qaadeen labo warshadood oo ay maamusho Sharikadda Aramco ee Sucuudiga laga leeyahay.

Waxaa bilowday baaritaano lagu ogaanayo in weerarka ka dhacay Sacuudiga ay ku lug leedahay dowlada Iiraan iyo in kale, waxaana weerarkaasi lagu tuhmayaa in Iiraan gacan ka geesatay.

Duqeynta laga fuliyay Sacuudiga ayaa waxyeelo xoogan gaarsiisay labo Warshad ay maamusho Sharikadda Aramco , waxaana dowlada sheegtay in hoos u dhacay wax soo saarkii saliidda 5.7 milyan oo barmiil oo ah kala bar shidaalkii ay Sacuudiga dhoofin jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -