Ciidamadii qaadistooda muranka ka taagnaa oo saakay laga qaaday Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay halkaasi laga qaaday ciidamo dowlada tababartay oo qaadistoo maalmihii lasoo dhaafay muran badan ka taagnaa.

Waxgaradka magaalada Baladweyne ayaa diidanaa maalmihii lasoo dhaafay in ciidamada dowlada tababartay ee ku sugan magaalada Baladweyne loo qaado dhinaca gobolka Galgaduud .

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada dowlada ee ku sugnaa magaalada Baladweyne ayaa saakay laga qaaday halkaasi waxaana loo qaaday magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel.

Ciidamadan ayaana la sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan ciidamo dowlada ugu tala gashay in howlgalo ka dhan ah Al Shabaab ka fuliyaan qeybo kamid ah gobolka Galgaduud gaar ahaan degmooyinka iyo deegaanada Al Shabaab maamulaan.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ee diidanaa in ciidankan la qaado ayaan wali la ogeyn in ay aqbaleen in ciidankaasti maanta laga qaaday magaalada Baladweyne, mana jiro wali wax war ah ay Waxgaradka kasoo saareen qaadistan ciidankan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -