Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qasri caan ah oo laga xaday Fadhi Suuli oo ka sameesnaa Dahab (Daawo Sawirro)

Koox burcad ah oon wali heebtooda la garan ayaa xaday fadhi Suuli oo ka sameesnaa Dahab qaali ah oo yaalay Qasriga caanka ah ee Blenheim ee kuyaala dalka Ingiriiska .

Booliiska Ingiriiska ayaa sheegay in kooxda burcada ah ee gashay qasriga ay ka xadeen fadhiga Suuliga iyo waxyaabo kale oo dahab ka sameesnaa oo dhax yaalay Qasriga.

Nin Oday ah  ayaa loo xiray falkan dhaca ah ee ka dhacay Qasriga kuyaala dalka Ingiriiska, waxa ayna booliiska wadaan baaritaano dheeraad ah oo burcada lagu raadinayo.

Burcada dhaca geesatay ayaa sidoo kale la sheegay in waxyeelo xoogan gaarsiiyeen qasriga kadib markii biyihii ku xirnaa tubooyinka suuliga ay kusoo fataheen dhismaha intiisa badan.

Qasriga caanka ah ee Blenheim oo la dhisay qarnigii 18aad ayaa ah dhaxal taariikhi ah oo caalami, waxaana Musqsha Dahabka ka sameesan gali jiray dadka martida ah ee qasrigaasi booqda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo talaabo qaaday ka dib qaraxii galabta ka dhacay Beled weyne

Caydiid Ali

Qoor Qoor iyo Wasiir Jaamac kormeeray rugaha ciidanka ee koonfurta Mudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirro laga soo qaaday Deegaanka Tooro Toorow oo ay la wareegeen Ciidamada Danab

Cabdi Cade