Jaamacadda Jazeera oo xiriir iskaashi la saxiixatay Jaamacad ku taal Masar (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Jaamacadda Jazeera iyo wafdi uu hogaaminaayo oo booqasho rasmi ah ku tagay Dalka Masar ayaa heshiis la saxiixday Jaamacadda Caynu Shamsi ee ku taalla Wadanka Masar

Guddoomiye Prof Salaad Ibraahiim Fiidow oo ay wehlinayaan Madaxa qeybta tacliinta sare ee heerka 2aad Jaamacadda Jazeera Dr. Cabdisamad Xassan Hayye iyo Dr. Xassan Caddow oo ah lataliye sare ee Jaamacadda Jazeera ayaa waxay casuumaad rasmi ah ka heleen Jaamacadda Caynu Shamsi ee Waddanka Masar

Safarka Guddoomiyaha Jaamacadda Jazeera iyo wafdigiisa ayaa ujeedadiisu waxa ay ahayd in heshiis la saxiixdaan Jaamacadda dhiggooda ah ee Caynu Shamsi oo ka mid ah Jaamacadaha ugu horeeya dhinaca tayada waxbarashada, waxayna labada guddoomiye ee Jaamacadaha Jazeera iyo Caynu Shamsi kala saxiixdeen heshiis ku saabsan sidi ay isaga kaashan lahaayeen labada dhinac cilmi baarista iyo tayaynta waxbarshada  iyo sidoo kale in ay ardayda Jaamacadda Jazeera ku soo qaataan Practical laxiira cilmiga ay ka barateen Jaamacadda sida Caafimaadka, Enjineerinka, Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.

Ka hor heshiiska labada Jaamacadood ayaa Guddoomiyaha iyo wafdigiisu waxay kormeereen guud ahaan qaybaha kala duwan ee Jaamacadda Caynu Shamsi, iyagoona warbixin buuxda ka siiyay guud ahaan waxbarashada ka socota Soomaaliya, gaar ahaan habka waxbarista Jaamacadda Jamacadda Jazeera iyo sida ay u ilaaliso tayada waxbarashada sare ee Dalka

Guddoomiyaha Jaamacadda Jazeera Prof Salaad Ibraahiim Fiidow ayaa ku casuumay Soomaaliya wafdi uu hogaaminaayo Goddoomiyaha dhiggiisa ah ee Jaamacadda Caynu Shamsi Dr, Prof. Maxamuud Al-matiin, si uu booqasho ugu yimaado Jaamacadda Jazeera, siina xoojiyo xiriirka iskaashiga ah ee ay kala saxiixdeen labada Jaamacadood

Jaamacadda Jazeera oo ka mid ah Jaamacadaha aad u ilaaliya tayada waxbarashada sare ayaa muddooyinkii dambe waxy ku howlaneyd sidii ay xiriir iskaashi ula samaysan lahayd Jaamacadaha tayada ilaaliya ee ku yaalla Gudaha iyo Dibadda, iyadoona Jaamacaddu ay horay xiriir iskaashi la samaysatay Jaamacadaha Africa, Aasiya, yurub iyo Carabta.

Ugu dambayn Dowladda Waddanka Masar ee aan walaalaha nahay ayaa aad u danaynaysa sidii ay wax ula qabsan lahaayeen guud ahaan Wadamada Africa, gaar ahaan Soomaaliya, qaybaha kala duwan ee Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo guud ahaan Horumarinta Bulshada

- Advertisement -