Shirkad Dacwad kusoo oogtay Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Kenya

Shirkado dhismo oo lagu magacaabo Kingsley oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa dacwad kusoo oogtay Safaarada Soomaaliya ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya .

Maamulka Shirkada Kingsley ayaa sheegay in safaarada Soomaaliya ee kutaala Nairobi ku leeyihiin lacag gaareysa $226,318, lacagtan ayeyna shirkadu sheegtay in lagu dayactiray dhismaha safaarada.

Everlyne Mutungi oo ah maamulaha sharikada Kingsley , ayaa sheegay in dayactir ku sameeyeen dhismaha safaarada % 80, hasa ahaatee dowladda Soomaaliya joojisay dhismaha kaddibna sharikad kale siisay qandaraaska si ay u dhameystirto inta harsaneyd.

Shirkada Kingsley ayaa dacwada ay gudbisay ku sheegtay in sanadkii 2016-kii la saxiixay heshiiska dayactirka dhismaha safaaradda iyo Guriga Lower Kabete  oo ay Dowladda Soomaaliya ku leedahay Nairobi.

Dacwadan ayaa soo ifbaxday kadib markii nin kamid ahaa shaqaalaha shirkadan dhismo oo safaarada Soomaaliya Nairobi u tagay dhameestirka dukumiintiyo sheegay in lagu dhax xiray safaarada loona geestay Jirdil.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa been abuur ku tilmaamay warka ku aadan ninkan la xiray lana jir dilay, waxa uuna Wargeyska The East African u sheegay Tarsan in safaarada aysan lahayn qolal wax lagu xiro.

Safaraada Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin dacwada Shirkada Kingsley u gudbisay Maxkamada kutaala magaalada Nairobi, lamana oga sida ay Safaarada uga jawaab celin doonto dacwadan laga gudbiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -