Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qaar ka mid ah Warshadaha sifeeya shidaalka Sacuudiga oo la weeraray & dab qabsaday

Dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa weeraray oo dab qabadsiiyey laba warshadood oo kuwa shidaalka ah oo ay leedahay shirkadda dawladda ee Aramco dalka Sacuudiga

Muuqaallo goobahaa laga soo duubay ayaa muujinaya olol iyo qiiq ka kacaya Abqiiq oo ah warshadda ugu weyn dunida ee saliidda sifaysa.

Weerar labaad oo ay qaaday diyaarad aan duuliye lahayn ayaa isna lagu ekeeyey warshadda shidaalka ee Khurays oo ku taalla galbeedka Sucuudiga.

Dabkii ka kacay labada warshadood ayaa haatan la xakameeyey sida warbaahinta dawladu sheegtay.

Degaalyahanada Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageerto ayaa ka dambeeyey weerarkan iyo weerarro  kale ah hore loogu eedeeyey.

Hase yeeshee warbaahinta Sucuudigu ilaa haatan may sheegin cidda weeraradan haatan dhacay ka dambaysa.

“Abaaro 7:00 subaxnimo ayaa waaxda badbaadada ee Aramco waxay bilowday inay Bakhtiiso dab ka kacay laba wershadood oo ku kala yaal Abqiiq iyo Khurays, waxaana dabkaasi huriyey weerarro diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen goobahaas” ayey tiri wakaaladda wararka ee Sacuudigu.

Xuutiyiinta Yemen ayaa bilahan dambe xoojiyey weerarada ay ku hayaan gudaha Sacuudiga ee ay u adeegsanayaan gantaalo iyo dayuurado Drones ah, iyadoo arintan ay walaac ku abuurtay dowlada iyo shacabka dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qalabkii Idaacada Al Shabaab oo la keenay Muqdisho iyo Wasiir Iidaan oo ka hadlay

Cabdi Cade

Cudur la garan waayey oo dad ka badan boqol qof ku laayey dal ka tirsan qaarada Afrika

Caydiid Ali

Khasaaro ka dhashay Qaraxii Muqdisho & Booliiska iyo Al Shabaab oo War kasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---