Kolonyo ay la socdeen Masuuliyiin ka tirsan Sh/dhexe oo lagu qarxiyey duleedka Balcad

Qarax xooggan ayaa saaka lagula eegtay degaanka Gololey oo ka tirsan degmada Balcad kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Sh/dhexe & Kan Hirshabelle.

Miino la sheegay in wadada lagu aasay ayaa la kacday labo gaari oo ay la socdeen masuuliyiin iyo ilaalo hubeysan iyadoo uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh inkastoo aan weli wax faahfaahin ah laga bixin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadiidka la qarxiyey ay la socdeen masuuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Maaliyada gobolka Sh/dhexe iyo xubno kale.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Balcad ayaa gaaray goobta uu weerarkan ka dhacay oo horey loogu dilay masuuliyiin, saraakiil iyo askar badan.

La soco faahfaahinta wixii soo kordha insha ALLAH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -