Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Tacshiirad Khasaare nafeed geysatay oo saaka la isku weydaarsaday Dhuusamareeb

Iska horimaad u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saaka ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadka uu saaka waaberigii ka dhacay meel u dhow Garoonka dayuuradaha Magaalada Dhuusamareeb halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin Ciidanka Danab ee sida gaarka ah u tababaran.

Muran soo kala dhex galay askarta dagaalamay ayaa la sheegay inuu iska horimaadka oo muddo kooban socday

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay iska horimaadka, waxaa degan hadda xaalada, iyadoo ay goobta gaareen Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku baxay shaqaaqadaas.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa horay sidan oo kale waxaa ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Nabad sugida Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Difaaca Jasiirada Greenland oo la adkeeyay kaddib damacii Trump

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Somaliland oo go’aano culus ka soo saaray Wadahadalka Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Ra’isul Wasaare Kheyre oo Brusells kula kulmay madax kala duwan oo ka tirsan..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---