Ku dhowaad kun arday oo u fariisatay Imtixaanka Qubuulka ee Jaamacadda Benaadir (Sawirro)

Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday imtixaanka ogolaanshaha ama Qubuulka ee Jaamacadaas ee sanad dugsiyeedka 2018-2019 kaasoo ay u fariisteen sanadkan arday fara badan oo ka soo baxday dugsiyada sare ee dalka.

Diiwaan hayaha guud ee Jaamacadda Banaadir Ing. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed ayaa sheegay in Jaamacadda ay sanadkan ay iska diiwaan geliyeen arday aad u badan oo uu xusay iney soo dalbadeen 11-ka kuliyadood ee ay Jaamacadu ka kooban tahay.

“Si fursad loo siiyo ardayda ka imaneysa dalka dibediisa iyo gobolada dalka ee soo dalbanaya Jaamacada Banaadir, waxaa imtixaanka loo kala qaaday dhowr qeybood, qeybta koowaad ee maanta u fariisanaysa imtixaanka waa 824 arday oo isugu jira 371 gabdho iyo 453 wiil, qeyb labaad iyo qeybo kale ayaana xigi doona, todobaadyada soo socda” ayuu yiri Ing. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed oo intaa ku daray in diiwaangelintu ay weli socoto isagoo ugu baaqay ardayda aan weli isdiiwaan gelin inay ka faa’iideystaan fursada ay heystaan.

Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir Dr. Tahliil Cabdi Afrax ayaa isna sheegay iney gacmo furan ku soo dhoweynayaan ardayda faraha badan ee sanadkan ku soo biireysa Jaamacadda, isagoo xusay in Jaamacadda Banaadir looga bartay waxbarasho tayo leh.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ayaa shirka jaraaid ka sheegay inuu ku faraxsan yahay soona dhoweynayo ardayda faraha badan ee u fariistay Imtixaanka ogolaanshaha ee Jaamacadda Banaadir.

“Waxaa farxad inoo ah maanta inaan bilowno Imtixaanka qubuulka ee Jaamacada Banaadir ee sanadka 2019-2020, waxaana u fariisanaya sanadkan arday fara badan, taasoo  muujineysaa, khibrada sumcada, tixgelinta iyo karaamada ay Jaamacaddu ku leedahay bulshada” ayuu yiri Dr. Biday

Waxaa uu sheegay Gudoomiyuhu in dib u habeyn lagu sameeyay manaahijta kulliyadaha Jaamacadda, si ay ula jaan-qaadaan culuunta casriga ah ee Jaamacadaha caalamka, isagoo dhinaca kale u mahad celiyey guddiyada Jaamacadda ee soo diyaariyey imtixaanka iyo xogheynada kala duwan oo uu sheegay iney ka soo shaqeeyeen sidii imtixaankan uu ugu dhici lahaa si cadaalad ah, wuxuuna ardayda imtixaanka u fariisatay u rajeeyey guul iyo nasiib wanaagsan.

Guddoomiyaha Mu’asasada Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) ayaa isna u mahad celiyey waalidiinta Soomaaliyeed ee caaruurtooda ku aaminay Jaamacada Benaadir, isagoo dhinaca kale daboolka ka qaaday in imtixaanka sanadkan lagu qabanayo Kambas cusub oo Jaamacada Benaadir ay ka iibsatay degmada Hodan.

“Ardayda sanadkan ku soo biireysa Jaamacadda Benaadir waxay nasiib u yeesheen iney imtixaanka ku galaan kambaska weyn ee dhowaan Jaamacadu iibsatay oo ku yaalla degmada Hodan, kaasoo loogu magacdaray Prof. Ibraahim Caddow ILAAHAY ha u naxariistee si aan ugu maamuusno maadaama uu ahaa Guddoomiyihii labaad ee soo maray Jaamacada Banaadir, waxaana leenahay ardayda ku soo dhowaada kambaskan cusub” ayuu intaas ku daray Dr. Bushkuleeti.

Senator Dr. Cusmaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo gebagebadii ka hadlay shirka jaraaid ayaa u hambalyeeyey ardayda cusub ee u fariisatay imtixaanka qubuulka Jaamacada Benaadir, wuxuuna xusay iney doorteen Jaamacad aqoonsi  caalami ah heysata, isagoo kula dardaarmay iney dedaal badan muujiyaan si ay uga mira dhaliyaan safarka waxbarasho ee u bilowday.

Waxaa sidoo kale, munaasabadan ka hadlay Gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf, Guddoomiye ku-xigeenada dhinacyada Waxbarashada iyo Maamulka ee Jaamacada Banaadir C/raxmaan Xasan Cumar, Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo ka tirsan Aasaasayaasha Jaamacada Banaadir iyo xubno kale oo iyana ka hadlay shirkan jaraaid ayaa ka waramay dedaalka ay jaamacaddu u gashay qabashada imtixaankan iyo soo dhoweynta ardayda cusub.

Masuuliyiinta sare ee Jaamacada Banaadir iyo macalimiin ka tirsan Jaamacada ayaa kormeerayey imtixaanka kuwaasoo ku soo wareegay fasalada lagu qaadayey iyagoo u kuur galay qaabka uu u socday, waxayna ardayda tilmaamo iyo tusaalooyin ka siinayeen qaabka imtixaanka loo galayo, anshaxa looga baahan yahay.

Sanad walba xiligan oo kale ayaa Jaamacada Benaadir iyo Jaamacadaha kale ee dalka waxaa ku soo biira arday fara badan oo soo dhameysatay waxbarashada dugsiyada sare ee dalka, kuwaasoo hamigoodu yahay iney helaan tacliin sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -