Qaban-qaabo lagu soo dhoweynayo RW Khayre oo ka socota Magaalada Marko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa in Berri oo Sabti ah booqdo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Xukuumada.

Qaban-qaabo weyn ayaa laga dareemayaa Magaalada Marko, waxaana lagu arkayaa Goobaha qaar boorar uu ku dhegan yahay sawirka Raiisul Wasaaraha, halka wadooyinka qaarkood lagu dhejiyay Calanka Soomaaliya iyo midka Koonfur Galbeed.

Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa si weyn u xoojinaya amaanka Magaalada Marko inkastoo uu xalay magaalaadaas agagaarkeeda kla dhacay dagaal dhexmaray ciidamada dowlada iyo Al-shabaab oo weerar soo qaaday.

Wafdi horudhac u ah Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa maanta ku wajahan magaalada Marko kuwaasoo isugu jira masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa todobadkaan waxaa uu ku sugan yahay degaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed isagoo booqday magaalada Xudur ee gobolka Bakool iyo Baydhabo oo uu haatan ku sugan yahay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -