Mareykanka Oo Qorsheynaya Dagaal Saddex Geesood Ah Oo Lagu Qaado Shiinaha Iyo Ruushka

Wargeyska mintpress-news ayaa daabacay in saraakiil ku sugan magaalada Washington ay qoorsheynayaan dagaal dheer oo lala galo dowladaha Shiinaha iyo Ruushka waxaana dagaalkana uu yahay mid dhiig badan uu ku daadan doono.

Bal fikir oo fiiri dhamaan qorshaha military ee caalamka  ee hadda socda.

Hadii aad diiradda saarto saraakiisha aqalka cad waxa ay soo dhigaan bartooda Twiteer-ka gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay qorshe badan ayaad ugaan doontaa si walbana u baar, waxaana hadda waaxda difaaca mareykanka ee Pantigonka uu qorshahiisu yahay dagaal qaboow oo qatar badan in la galo qarnigan 21-aad iyadoo aan cidna la ogeysiin.

Sanadii 2006-dii waaxda difaaca Mareykanka ayaa meesha ka saartay qorshaheeda amaan oo ahaa dagaal dheer oo ka dhan ah argagixsada iyo xulafadooda, Mareykankana wuxuu xiligaas kadib bilaabay inuu dhan walbo iska diyaariyo oo uusan ku ekaan kaliya dagaalka argagixiso la dirika” sidaas waxaa lagu yiri nuqul military oo laga warbixiyay sanadkaas 2006-dii.

12 sano kadib  waaxda difaaca mareykanka ee pentagonka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in dagaalkii dheeraa uu soo dhawaaday iyadoo ugu yaraan dagaalo toos ah iyo khilaafyo xoogan ay ka taagan yihiin wadamo dhaca bariga dhex iyo Qaaradda Africa—- hadii ayba saas tahay dagaalka dheer wuu bilowday waxaana qorshaha dagaal kamid noqonaya dowladaha Ruushka iyo Shiinaha oo Mareykanka duulaan saddex geesood ah uu ku qaadi doono.

Tartanka awoodaha caalamka oo aan loogu soo gaban dagaalka kooxaha argagixisada ayaa bilowday, Mareykankana wuxuu u yahay udub dhaxaad .

David Norquist oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Pentegonka ayaa sheegay in ay dalbadeen miisaaniyad dhan $686 billion bishii January ee sanadkan, waxaana ka war helay shiinaha iyo ruushka iyagana waxa ay qaabeynayaan miisaaniyadooda si ay ugu diyaar garoobaan amniga caalamka iyo filishada dagaalka saddexaad ee aduunka.

Waxaa Turjumay:  Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

abdiaizizh99@gmail.com

Muqdisho-Somalia

Source: mintpressnews.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -