Xog ku aadan halka la geeyay Ciidamada Xasilinta ee laga wareejiyay Koontaroolo kuyaala Muqdisho

Ciidamada Xasilinta Caasimada Muqdisho ayaa maanta laga wareejiyay koontaroolo dhoor ah ay kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho kuna baari jireen gaadiidka iyo waliba dadka wata.

Koontaroolo kuyaala magaalada Muqdisho ayaa mar qura laga wareejiyay ciidamadii xasilinta ee horey ugu sugnaa, waxaana koontarooladaasi durba lagu wareejiyay ciidamo katirsan booliiska oo gaadiidka iyo dadkaba ku baaraya.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada xasilinta ayaa loo wareejiyay baro iyo koontaroolo cusub oo lasoo dhigay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Laamiga Warshadaha iyo jidadka kale ee soo gala Muqdisho.

Ciidamada Xasilinta ayaa la qorsheeyay in la geeyo amaankeedana xaqiijiyaan laamiyada Warshadaha iyo Sodonka, waxaana ciidankan qaarkood durba galabta lagu arkayay goobo aan horey looga baran.

Ciidamada Xasilinta ayaa sidoo kale lagu wadaa in la geeyo Isgooska Ex-Control Afgooye iyo koontaroolo kale oo laga soo galo magaalada Muqdisho si ay baaritaano ugu sameeyaan dadka iyo gaadiidka gudaha usoo galaya magaalada.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Xasilinta ayaa sidoo kale gudaha Muqdisho ka sameyn doona roondooyin lagu xaqiijinayo amaanka sidoo kale lagu baarayo gaadiidka xaafadaha dhax maraya .

Hay’adaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa doonaya in la adkeeyo amaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo bateen qaraxyada ismiidaaminta ah, waxaana gaadiidka soo galaya Muqdisho lagu baari doonaa koontaroolo kala duwan .

Ciidamada Xasilinta ee ku sugnaa koontaroolo kuyaala Banaadir iyo Agagaarka Isgooska KM-4 ayaa shalay fashiliyay qaraxyo ismiidaamin ah oo la doonayay in laga geesto bartilmaameedyo kuyaala Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -