Axmed Madoobe oo arimo Xasaasi ah ka hadlay Hanjabaad culus hawada soo mariyay

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta markii ugu horeesay Warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo tan iyo markii dib loogu doortay doorasho muran badan dhalisay.

Axmed Madoobe ayaa ka hadlay arimo badan ay kamid ahaayeen Doorashadii ka dhacday Kismaayo, Xariga Wasiirka Amniga Jubbaland iyo xayiraada dowlada federaalka Soomaaliya kusoo rogtay diyaaradaha ka yimaada magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Jubbaland in dowlada federaalka Soomaaliya ay cunaqabateeneyso maamulkiisa , waxa uuna cadeeyay in aysan wax saameyn ah ku yeelaneyn cunaqabateynta dowlada.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in xayiraada socdaalka ee lagu soo rogay diyaaradaha taga Kismaayo ayuu sheegay in ay tahay mid shacabka lagu dhibaateenayo, waxa uuna xusay in isaga meesha uu rabo tagi karo wax ogolaansho ahna uusan uga baahneyn dowlada .

Maamulka Jubbaland ayuu sheegay Axmed Madoobe in uusan aqoonsaneyn xafiiska magaalada Kismaayo ku leedahay Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sharci daro ku tilmaamay xarig magaalada Muqdisho loogu geestay Wasiirka amniga maamulka Jubbaland, waxa uuna cadeeyay in masuulkaasi loo xiray kadib markii madaxda dowlada ka diiday in uu bur buriyo maamulka uu wax ka dhisay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowladda Soomaaliya in ay bur buriyeen nidaamyadii ay horay u sameysay dowladii ka horeysay,sida Amniga,dhismaha Ciidamada,sidoo kale dowladda hadda jirta ay wado burburinta Federaalka,cunaqabareyn Dhaqaale iyo in rajadii dowladnimada laga qabay lagu hungoobay.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in madaxda dowlada ee hada jooga Villa Soomaaliya xiligii uu duurka ku jiray uuna la dagaalamayay Al Shabaab ay kofee ku cabayeen wadamada qurbaha .

Axmed Madoobe ayaa cadeeyay in dul qaadka uu ka dhamaaday maamulkiisa islamarkaana dowladda dhexe haddaanay isbeddel la iman uu bixin doono jawaab ka culus midda uu maanta jeediyay.

Hanjabaada kasoo yeertay Axmed Madoobe ayaa kusoo aadeysa xili dowlada federaalka waxbo kama jiraan kasoo qaaday doorashadii ka dhacday Kismaayo sidoo kale dowlada xayiraad kusoo rogtay diyaaradaha Kismaayo taga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -