Ciidamada Booliiska oo Muqdisho ku qabtay Shabakad Caruurta xada kana ganacsata

Howlgal ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Hay’ada Dambi baarista CID-da ka sameeyeen magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qabtay shabakad isku xiran oo caruurta xada kadibna kasii ganacsatada

Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in lasoo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil, waxa ayna xustay in howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysanayaal oo 8 kamid ah ay yihiin haween.

Waxa ay sidoo kale Jeneraal Zakiya sheegtay in ciidanka soo badbaadiyeen 11 caruur da’dooda u dhaxeeyso 12 sano jir illa 7 bil jir, waxa ayna tilmaantay in booliiska gacanta kusii heynayaan caruurtaasi inta waalidkooda laga helayo.

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe waxaa kuoo badanayay caruurta la xado, waxaana inta badan baraha bulshada iyo Idaacadaha magaalada Muqdisho laga baafiyaa caruur maqan oo qaarkood la xaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -