Allbanaadir.com
NEWS

Xiliga la qabanayo Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Xildhibaan Bootaan oo la shaaciyay

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa shaaciyay xiliga la qabanayo doorashada kursiga Xildhibaanimo uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa shaacisay in 15-ka bishan April magaalada Dhuuso Mareeb lagu qabanayo doorashada kursiga baneeyay Bootaan.

“15-ka Bishaan ayaan qaban doonaa Doorashada” inta ka horeysana waxaan fulin doonaa shuruucda Doorashada” waxaan ka codsaneynaa Galmudug iney noo diyaar garoobaan, waxyaabaha aan uga baahanahay ee ay kamid tahay goobta Doorashada iyo Nabad galyada Doorashadana ay noo diyaariyaan” ayey tiri Guddoomiye Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa horey magaalooyinka Jowhar iyo Kismaayo ugu qabtay doorashada kuraas ay ka geeriyoodeen iyo kuwa ay baneeyeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiiradda oo ansixiyay heshiiska Difaaca ay DFS la gashay dowladda Turkiga

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen RW Khayre & La-taliyaha amniga Qaranka Mareykanka? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Uhuru Kenyata oo Masjidka Nairobi kula afuray Muslimiin fara badan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---